Madaxweyne Bermúdez oo telefan kula soo xiriiray dhigiisa Somalia (Maxay ka wada hadleen)

Madaxweynaha Waddanka Cubba Miguel Díaz-Canel Bermúdez ayaa khadka telefoonka kula soo xiriiray dhigiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku xaqiijiyey inuu xiriir dhinaca telefoonka ah la soo sameeyey Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel Bermúdez oo ku sugan magaalada Havana ee caasimada dalkiisa.

Farmaajo ayaa sheegay iney ka wada hadleen isaga iyo Madaxweynaha Cuba sidii labada dal ay u soo ceshan lahaayeen xiriirkii diblomaasiyadeed.

Somalia ayaa xiriirka u jartay dalal ay ku jirto Cuba ka dib markii ay faragelin milateri ku sameeyeen dagaalkii 1977 Somalia ku qaaday Itoobiya, iyagoo dib u soo celiyey ciidamadii xoogga dalka ee gudaha u galay dalkaas.

Arintan ayaa ku soo beegantay, iyadoo laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba laga soo afduubtay dalka Kenya, kuwaasoo lagu heysto gudaha Somalia, waxaana Al-shabaab oo labada dhaqtar gacanta ugu jira ay dalbadeen madax furasho lacageed si ay sii daayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -