Haween caruur u dhalay Dagaalyahanada Daacish ee dalka Ciraaq oo Somalia la keenayo

Xukuumada Somalia ayaa markii u horeysay xaqiijisay iney dalka ku soo celineyso haween Soomaali ah oo u carruur dhalay dagaalyahannada Daacish ee looga adkaaday dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub danjire Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay in haweenkan laga diiday dalalkii ay markii hore  ka tageen, haatana ay dhibaato nololeed ku heysato dalka Ciraaq, iyadoo raggii qabay ay noqdeen wax la dilay iyo qaar meelo kale u baxsaday oo dhuumaaleysi ku jira.

Hadalkan ayuu safiirku ka sheegay xuska maalinta Qaxootiga adduunka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeynaysaa iney dalka keento gabdho Soomaaliyeed oo carruur leh oo ku dhibaateysan dalka Ciraaq qaybta Kurdida, gabdhahaas oo markii hore maskaxdooda ay argagixisadu qaldeen ayaa waddamadii ay ka soo tageen laga  diiday” ayuu yiri Ambassador Cali Siciid Fiqi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -