Daawo Sawirada: Khasaaraha ka dhashay Duqeyntii ka dhacday Deegaanka Ceel Cadde 

Diyaarado dagaal oon wali la ogeyn dalka laga leeyahay ayaa xalay saqdii dhaxe gantaalo culus waxa ay ku garaaceen xaafado dhoor ah katirsan Deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dhoor gantaal kusoo dhaceen guryo kuyaala Deegaanka Ceel Cadde, waxaana duqeyntaasi la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad shacab ah .

Duqeyn ayaa sidoo kale sababtay bur burka guryo badan oo kuyaala deegaanka Ceel Cadde, waxa ayna dadka deegaanka sheegeen in duqeynta aad u xooganeed balse ilaah sakhiray khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya iyo kuwa Mareykanka ayaa inta badan fuliya duqeymaha ka dhaca deegaanada maamulka Jubbaland, waxaana duqeymahan inta badan khasaaro kasoo gaaraan dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -