Dowlada Somalia oo u digtay Masuuliyiin halis ku ah qadiyadaha lama taabtaanka ah ee Qaranka (Akhriso)

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Caawa War-saxaafadeed ay soo saartay waxaa Digniin loogu diray  Dadka ka Shaqeynaya Ficilada Dhaawaca ku ah Qaddiyadaha Lama taabtaanka ah ee Qaranka.

War-saxaafadeedka oo ka soo baxay dowlada Somalia ayaa digniin loogu diray shaqsiyaad xilal ka haya dalka oo garab siinaya cid walba oo uu damac kaga jiro xuduudaha dhulka iyo badda ee Somalia.

Laguma sheegin qoraalka magacyada masuuliyiinta loola jeedo balse hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili  Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu maalmo ka hor ku baaqay wada-hadal dhexmara Kenya iyo Soomaaliya, si xal looga gaaro xiisadda ka dhex oogan labada dal ee ka dhalatay badda Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso.

Bayaan ka soo baxay Xaaf oo uu baahiyey wargeyska The Standard ee Kenya ka soo baxa ayuu ku eedeeyey dowladda madaxweyne Farmaajo inay halis ku tahay xiriirka muddada soo jiray ee Kenya iyo Soomaaliya.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -