Kenya oo ku faantay inuu u hir galay qeyb kamid ah hadafkii ay u dhiseyn maamulka Jubbaland

Dowlada Kenya ayaa gacan weyn ka geesatay dhismaha maamulka Jubbaland ee xaruntiisu tahay magaalada Kismaayo, waxa ayna Kenya ka taageereen Axmed Madoobe sidii uu maamulkaasi u hogaamin lahaa.

Kenya oo ciidamo badan ka joogaan Deegaanada Jubbaland ayaa dhismaha maamulka Jubbaland ka laheyd hadafyo kala duwan mid dhaqaale iyo sidoo kale mid dhinaca amaanka la xariira.

Qorshaha Kenya ee lagu dhisay Maamulka Jubbaland waxaa la dhameystiray billowgii Sanadkii 2010kii, hasa ahaatee waxa uu soo gabo gaboobay sanadkii 2013-kii xiligaas oo Axmed Madoobe loo doortay Hogaamiyaha Jubbaland.

Dhismaha Maamulka Jubbaland waxaa gacan weyn ka geestay una xil saartay dowlada Kenya Nuuraddiin Yuusuf Xaaji oo hada ah Taliye ku xigeenka ciidanka Nabad sugida dowlada Kenya.

Nuuradiin waxaa uu shir guddoomiye ka ahaa kulan ay yeesheen Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayay xasilinta Soomaaliya,waxaana kulankaas ka dhashay dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland.

Waxa uu sheegay Nuurdiin in Kenya u miro dhalay hadafkeeda qeyb kamid ah qorshihii loo aas aasay maamulka Jubbaland, waxa uuna sheegay in ujeedka ugu weyn uu ahaa sugitaanka amaanka Soohdinta labada dhinac.

”Kenya waxa ay xajiisay amaanka deegaanadeeda iyada abuurtay aag saamaxaya, Kenya waxa ay ku guuleesatay hadafyo badan oo qeyb ka ahaa qorshihii aan u dhismay maamulka Jubbaland” Ayuu Yiri Nuurdiin Yuusuf Xaasji

Sargaalkan katirsan Sirdoonka dalka Kenya ayaan wada faah faahin  waxyaabaha uga hirgalay hadafkii markii hore ay u aas aaseen maamulka Jubbaland oo ah maamul xariir dhaw la leh dowlada Kenya.

Maamulka Jubbaland ayaan wali si rasmi ah uga hadlin darbiga dowlada Kenya ka dhax dhiseyso Degmada Balad Xaawo, waxaana jira tuhun la xariira in maamulka Jubbaland raali ka yihiin dhismaha darbigan isna qarinayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -