Weeraro laga cabsi qabo in lagu qaado goobaha dalxiiska ee magaalada Daara Salaam

Dowlada Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku aadan weeraro laga cabsi qabo in lagu qaado goobaha loo dalxiis tago ee kuyaala magaalada Daara Salaam ee caasimada dalka Tanzaaniya .

Qoraal ay soo saartay Safaarada Mareykanka ku leedahay dalka Tanzaaniya ayaa loogu digay Muwaadiniinta Mareykanka ee dalkaasi ku sugan, waxaana loogu baaqay in ay sameeyaan taxadar dheeraad ah.

Safaarada Mareykanka ayaa sheegtay in ay soo gaartay warar la xariira weerarada laga cabsi qabo in ay dhacaan, waxa ayna Safaarada sheegtay in aysan heyn cadeymo dheeraad ah oo weeraradaasi ku aadan, xiliga ay dhacayaan iyo goobaha bartilmaameedka ah.

Taliyaha booliiska Tanzaniya Simon Sirro oo ka hadlay digniinta kasoo baxday dowlada Mareykanka ayaa sheegay in ay hayaan xogta warkan la xariira, ayna suurto gal tahay in ay been noqoto ama ay run noqoto.

“Waa war la mid ah wararka kale, been ayuu noqon karaa runna wuu noqon karaa, balse iskama dhago tirayno,” ayu yiri taliye Simon oo intaas raaciyay in xogtan hayeen tan iyo talaadaii lasoo dhaafay.

Magaalada Daara Salaam ee caasimada dalka Tanzaaniya ayaa sanadkii 1998-dii waxaa lagu qarxiyay safaarada Mareykanka halkaasi ku leeyahay, waxaana weerarkaasi sheegatay kooxda Al Qaacida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -