Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Warfaa oo la kulmay Masuuliyiin katirsan dowlada Jarmalka (Sawirro)

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Sadiiq Xersi Warfaa oo ku sugan magaalada Bonn ee dalka Jarmalka ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Federaalka Jarmalka oo u hoggaaminayay Madaxa Bariga Africa ee wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka,Niels Breyer.

Wasiir Sadiiq Warfaa iyo mas’uuliyiinta wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka oo uu qeyb ka ahaa u qeybsanaha Soomaaliya ee wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Jarmalka   ayaa ka wada-hadlay sidii  Jarmalka uu uga caawin lahaa Soomaaliya dib u howlgallinta iskuulladii farsamada gacanta iyo  machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha, waxaa intaa dheer oo wasiirka uu kala hadlay dhallinyarada Soomaaliyeed iyo sidii loogu heli lahaa shaqo abuur.

” Waxaan mas’uuliyiinta Jarmalka u sheegnay dadaallada socda iyo sida ay noogu go’antahay dhallinyarada inay shaqooyin helaan, waxaan u bandhiggay inay gacan naga siiyaan dugsiyada farsamada sidii dib loogu howlgalin lahaa arrinta oo Jarmalku uu horay uga caawin jiray Soomaaliya.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

” Waxaa kalo aan u sheegnay shaqo abuurka inay u baahantahay shaqaalo xirfad leh si taas loo gaarana inay gacan naga siiyaan dib u howlgalinta machadka Sidam ee lagu tababbaro shaqaalaha.” ayuu ku daray.

Madaxa Bariga Africa ee wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarka dowladda Federaalka Jarmalka,Niels Breyer ayaa soo dhaweeyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta bulshada, isagoo marka ballanqaaday si dhow inay ula shaqeyn doonaan xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kalo uu rajo ka muujiyay si dhaqso ah inuu Jarmalka usoo celiyo doorkiisii ku aaddanaa taageerada uu dowladda Soomaaliya ka siin jiray horumarinta farsamada gacanta.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya, Sadiiq Warfaa ayaa toddobaadkii u dambeeyay kullamo ku qaadanaya dalalka Switzerland iyo Jarmalka, isagoo magaalada Geneva kaga qaybgalay shir-weynaha shaqaalaha adduunka, waxaana muddo 33 sanno kaddib ay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay dib ula soo laabato codeyntii ururka shaqaalaha adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo ka soo kordhay qaar ka mid ah weriyeyaashii lagu xiray Somaliland

Caydiid Ali

Meydka Wiil Soomaali Mareykan ah oo laga dhax helay Wabiga Mississippi

Cabdi Cade

Shan mucjiso oo lagu arkay dhul gariirka ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya

Cabdi Cade