Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Senatarada aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo digniin adag loo diray

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa digniin culus u diray Senataro ka tirsan Aqalka Sare oo caadeystay iney ka maqnaadaan fadhiyada golaha.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii uu kooram la’aan u baaqday fadhigii maanta ee golaha aqalka sare oo ajendayaal muhiim ah looga doodi lahaa.

Isagoo la hadlayey saxaafada ayuu Cabdi Xaashi Cabdullaahi sheegay ineysan macquul aheyn in Senatarada qaar ay soo xaadiraan Xarunta Golaha xili hore, halka qaar kalena ay iska soo daahaan amaba baaqdaan.

“Lama aqbali karo in Senatarada qaar ay soo xaadiraan subixii xilli horena yimaadaan,qaarna ay soo daahaan ama iska baaqdaan,”ayuu yiri Cabdi Xaashi oo aan sheegin talaabada laga qaadayo Senatarada baaqda ama soo daaha.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Senatarada Aqalka sare ugu baaqay in looga baahan yahay Xarunta in la yimaado inta u dhaxeysa 9:00 ilaa 10:00 subaxnimo, lana ilaaliyo waqtiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

238 dhaqtar oo ka qelin jebiyay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Bob Menendez oo kahor yimid mudo kororsiga ay Golaha Shacabka sameeyeen

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo tababar usoo xiray ciidamo cusub oo amnigiisa ilaalinaya (Sawirro)

Cabdi Cade