Kenya oo talaabo kale u qaaday sidii ay Somalia uga joojin laheyd dacwada Badda

Kenya ayaa sheegtay in arrinta khilaafka badda lagu daray Ajendaha golaha amaanka ee QM, ayna doonayaan in golaha Ammaanka soo farageliyaan badda ay leedahay Somalia ee ay dooneyso iney iyadu qaadato

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres ayaa la sheegay inuu si aan toos ahayn ugala hadlay arrinkaasi 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya Haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma ayaa sheegtay inuu Xoghayaha Guud ee QM uu Golaha ammaanka u gudbiyey Muranka Badda ee Somalia iyo Kenya, iyadoo ku dooday inuu cad yahay mowqifka Kenya, isla markaana  aysan oggaalan doonin in taako ka mid ah dhulkooda la qaato sida ay warka u dhigtay.

Talaabada ay Kenya qaaday ayaa ku soo beegan tay iyadoo la filayo inay Maxkamadda caalamiga ee Garsoorka ICJ ay go’aan ka gaarto dacwadda Badda ee Somaliaa iyo Kenya bisha soo socota ee September.

Kenya ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u koreysa sidii ay dowlada Somalia ugu qasbi laheyd iney ka laabato dacwada badda, taas bedelkeedna ay labada dal ku xaliyaan khilaafkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -