Halkee Marayaa dedaalka lagu xalinayo Xiisadii ka taagneyd Magaalada Belad-weyne?

Dedaalo la doonayey in lagu xaliyo khilaafka ka taagan Magaalada Belad-weyne ayaa fashilmay kaasoo ay wadeen siyaasiyiin iyo Waxgarad kala duwan.

Fashilka dedaaladan ayaa yimid ka dib markii Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed uu diiday inuu wareejiyo xilka, una hogaansamo wareegtada xilka looga qaaday ee ka soo baxday Madaxweyne Waare.

Kulamo oo la doonayo in khilaafka lagu dhameeyo ayaa loo balansan yahay maanta inkastoo rajada laga qabo iney natiijo ka soo baxdo ay aad u yar tahay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magdhaw ka bixiyay dilkii dhawaan gobolka Hiiraan loogu geystay Taliyihii Booliska Gobolka  Col. Axmed Macow.

Xildhibaano  ka tiraan Baarlamanka Hirshabeelle ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Waare uu magdhaw siiyay qoyskii Col. Macow.

Guddiyo heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo loo saaray inay baaritaan ku sameeyeen sidii uu u dhacay dilka Taliyihii qeybta booliska gobalka Hiiraan ayaanay weli wax natiijo ah ka soo bixin baaritaankooda.

Maalmihii dambe ayaa  waxaa magaalada Beledweyne ka soconayay kulan ay yeelanayeen ehelada Marxuum Macow iyo Madaxweynaha Hirshabelle, iyagoo ka wadahadlayay in la cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka Marxuum Macow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -