Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe: “Labo dhibaato ayaa ka dhashay wada shaqeynta la’aanta DF”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay Xaalada Siyaasada dalka iyo wada shaqayn la’aanta Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo saamayn ku yeelatay Arimaha amaanka dalka iyo hanaanka doorashooyinka taasoo ilaa hada aan wax hormar ah laga samaynin.

Dhinaca kale Gudiga dakhliga ayaa laga dhagaystay Warbixin la xiriirta Xaalada dhaqaalaha iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo Madaxweynahu uu faray in hanaanka canshuuraha iyo dakhli abuurida la dardar galiyo Sanadkan bilowga ah.

Wasaarada Xanaanada xoolahana ayaa iyana jeedisay warbixin la xiriirta shir lagaga hadlayay hanaanka talaalka xoolaha iyo sidii loogu mari lahaa qaab lagula socdo caafimaadkooda iyadoo la fulinayo dhamaan talaalada xoolaha si caafimaadka xoolaha nool loola socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hantidhowrka guud oo soo bandhigay magacyada Masuuliyiin la maqan gaadiid dowladda leedahay

Cabdi Cade

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ku baaqay in Xeryaha Milatari laga raro Dayniile (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Turkiga oo xeebaha Somalia u soo diray Markabka “Al-Rais Oruc”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---