Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Faahfaahino ka soo baxaya israsaaseyn dhimasho sababtay oo ka dhacday Hargeysa

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya labo askari oo ka tirsan ciidamada  Somaliland kuwaasoo isku rasaaseeyey Xaafada Maxamed Mooge ee ka tirsan  Magaalada Hargeysa.

Rasaasta ayaa sababtay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac culus soo gaaro, kaasoo uu ugu dambeyn u geeriyooday, halka askarigii kalena uu ka baxsaday goobtii uu dilka ka gaystay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Askarta ay isku haysteen dhul loo qaybiyey ciidamada  oo ku yaala xaafada  Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaan faahfaahin ka bixinin israsaaseynta ka dhacday bartamaha Hargeysa oo nooceeda aan looga baran magaladaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Goobta lagu wado in beri ka dhacdo Doorashada Guddoonka Aqalka Sare

Cabdi Cade

Tiro Madaafiic ah oo saakay lagu garaacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Iran oo cafis u fidisay in ka badan 22,000 oo maxaabiis ah oo dowladda kasoo hor jeeday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---