Isbitaalka caalamiga ah ee Muqdisho oo soo kordhiyey qalabka qaliinada casriga ah ee Leysarka (Sawirro)

Isbitaalka caalamiga ah ee Muqdisho (International Hospital Mogadishu) oo ka mid ah Isbitaalada ugu waaweyn Muqdisho lagu soo kordhiyey qalab casri ah oo loo adeegsado Qaliinada guud.

Madaxa dhaqaatiirta Isbitaalka Dr. Cawaale C/llaahi Maxamed ayaa sheegay in ka dib markii ay arkeen baahida shacabka Soomaaliyeed u qabaan ay isbitaalka ku soo kordhiyeen qalabka leysarka (Laporoscopy) oo ah mid casri ah oo loo adeegasado Qaliinada yar yar ee leysarka.

Sidoo kale, Dr. Cawaale ayaa ugu bishaareeyey bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan danyarta in Isbitaalku uu bilaabayo qaliino bilaash ah laga bilaabo 20 illaa 30-ka bishan June

“Guud ahaan dadweynaha ku nool  Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw-dhaw, waxaan ku wargelinaynaa in isbitaalka caalamiga ah ee International Hospital Mogadishu oo oo looga bartay adeeeg  caafimaad oo dhamaystiran  in lagu soo kordhiyay qalabka casriga ee qaliimada laysarka ama   Laporoscopy oo loo adeegsanayo qaliimada.

 

Dr. Cawaale ayaa sheegay in qalabkan uu yahay mid casri ah oo loo adeegsado qaliimada ay ka mid yihiin:-

  1. Qaliimada xameetida iyo dhagxaanta
  2. bura biyoodka, Ugxaanta minka dumarka
  3. Qanjirka ragga
  4. Banta jiito iyo qabsinka
  5. Qaliimada burooyinka dhuunta iyo kuwa guud.
  6. Baabasiirka
  7. Fiiskolaha
  8. Burooyinka Naasaha haweenka
  9. Isku-furanka haweenka (fistula )
  10. Sheelada
  11. Eernada
  12. Fari-kujeelada
  13. Qaliimada kaliyaha sida dhagxaanta killiyaha
  14. Qaliimada neerfaha sida tubada biyaha looga soo saaro maskaxda gaar ahaan ilmaha ku dhasha madax balaarka .
  15. dhalmada qaliimada u baaahan
  16. qaliimada dadka faruuran kuwaasoo ay  fulinayaan  dhaqaatiir ay hogaaminayaan Dr. Cawaale iyo Dr. Raid oo u dhashay dalka  Syria  kuna  takhasusay qaliimada guud.

Waxaa uu intaas ku daray in Isbitaalka lagu daweynayo cudurada guud & kuwa caruurta iyo haweenka, isagoo xusay inuu leeyahay qalab casri oo qaliimada Laserka lagu sameeyo, Sheybaar, Raajo computerka uur-kujirta Saalada qaliinka, farmashi aad ka heleyso dawo tayo leh laguna xafiday heerkul ku habboon, sidoo kale waxaa uu sheegay Dr. Cawaale in isbitaalku leeyahay gaadiidka Ambalaaska oo si bilaash ah  bukaanka kaga soo qadaya gurigiisa

Qeybta dhalmada ayuu sheegay iney diyaar ku yihiin umulusooyin takhasus gaar ah leh  iyo kalkaaliyaal caafimaad   oo heegan  ah, isagoo xusay in todobaad kasta maalmaha Arbacada iyo Isniinta Visitada, iyo computarka uur ku jirta iyo daawadu ay yihiin lacag la’aan si loo daneeyo dadka danyarta ah ee aan awoodin.

F.G: Isbitaalka caalamiga ah ee Muqdisho (International Hospital Mogadishu) ayaa ku yaalla Km5, Zoope, dhanka laami-yaraha hotelkii hore ee Amiira, faahfaahin dheeraad ah kala soo xiriir. 858826,   0619-757558 ama 0617609967.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -