Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Goobta lagu wado in beri ka dhacdo Doorashada Guddoonka Aqalka Sare

Waxaa beri oo talaado ah lagu wadaa in teendhada xerada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanaka federaalka Soomaaliya iyo labadiisa kuxigeen.

Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Aqalka sare ayaa galabta booqday teendhada Afisiyooni gaar ahaan hoolka lagu wado in beri ka dhacdo doorashada guddoonka Aqalka sare.

Xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada ayaa u kuur galay qiimeyna ku sameeyay hoolka doorashada ka dhaceyso iyo sidoo kale goobta loogu tala galay in ay fariistaan senatarada Aqalka sare iyo marti sharafta.

Doorashada guddonka Aqalka sare ayaa beri si weyn isha loogu hayaa, waxaana isku diiwaan geliyay doorashada guddoonka aqalka sare 12-Musharax oo ku tartami doona guddoomiyaha aqalka sare iyo kuxigeenadiisa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dagaalka oo ku fiday Muqdisho iyo Madaafiic culus oo lagu garaacay xarunta Madaxtooyada

Cabdi Cade

Safiirka Somalia u fadhiya QM oo difaacay go’aankii lagu eryey ergeyga UN-ka

Caydiid Ali

Dekadda Muqdisho oo lagu qabtay kunteenaro ay ku jiraan raashin dhacay iyo ganacsade…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---