Jaaliyadda Karanle ee Geeska Afrika oo War ka soo saartay dilalkii Gaalkacyo iyo Xiisada Belad-weyne

Ganacsatada Beelweynta Karanle ee Geeska Afrika oo war ka soo saaray Magaalada Nairobi ayaa si kulul u cambaareeyey falkii foosha xumaa ee xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo kaasoo lagu laayey 9 qof oo aan waxba galabsan.

Qoraal ay soo saareen ganacsatada beesha Karanle ee geeska Afrika ayay falkaasi ku tilmaameen mid waxashnimo ah oo ka baxsan shareecada Islaamka, bani aadamnimada iyo dhaqanka suuban ee Ummadda Soomaaliyeed, iyagoo tacsi u diray qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen dadka la laayey oo ay sheegeen iney la qeybsanayaan murugada iyo tiiraanyada.

“Waxaan ugu baaqeynaa Maamulka Galmudug ee Koonfurta Gaalkacyo iney baaritaan dhab ah ku sameeyaan dhacdadan foosha xun, sharcigana horkeenaan kooxihii arxan-laaweyaasha ahaa ee ka dambeeyey si sharciga islaamka loo mariyo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ganacsatada beesha Karanle.

Dhinaca kale, qoraalkooda waxay ku sheegeen iney aad uga xun yihiin dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay Magaalada Beled-weyne ee lagu dilay taliyihii Booliska gobolka Hiiraan iyo xiisada halkaas ka taagan ee u dhexeysa Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo gudoomiyihii xilka laga qaaday ee  gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

“Waxaan xusuusuinaynaa dhinacyada walaalaha ee isku maan dhaafay Magaalada Belad-weyne iney taariikhda dib u eegaan, ayna arkaan dhibaatooyinka 29kii sano ee la soo dhaafay laga dhaxlay dagaaladii dhexmaray shacabka Soomaaliyeed oo illaa hadda loo maaro la yahay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ganacsatada Beesha Karanle ayaa sidoo kale u tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Belad-weyne, iyagoo dhinacyada halkaas isku haya ugu baaqay iney khilaafaadkooda ku dhameeyaan wadahadal iyo tanaasul, una turaan shacabka ay metelaan, iyagoo eegaya danta guud, waxayna xusuusiyeen in dowladnimadu aysan aheyn fowdo balse ay tahay kala dambeyn, nidaam iyo Maamul.

Sidoo kale, waxay ugu baaqeen dowlada Somalia, Waxgaradka iyo qeybaha bulshada gobolka Hiiraan  iney ka qeyb qaataan xalinta khilaafka ka taagan magaalada B/weyne, ayna gutaan waajibaadka kaalinta kaga aadan nabadeynta bulshada.

Xubnaha Ganacsatada beesha Karanle ee ku saxiixnaa War-saxaafadeedka ayaa waxaa ka mid ah

1-Maxamed Yuusuf Gardheer

2-C/risaaq Yuusuf Gardheer

3-Axmed Nuuri Duqow

4-Nabadoon Axmed Shiil

5-Cabdiraxman Maxamuud Rooble

6-Siciid Xuseen Fayte

7-Engineer Aarow

8-Shiikh Ciise Cali Maxamed

9-Engineer Maxamed Gacal

10-Dr. Cumar Geesey dhicisow

11-Maxamed Xirsi Faarax Dhagacadde

12-Shiikh Cabdullaahi Cabdi Hiraabe

13-Cabdiqaadir Jimcaalle Bore

14-Cabdiraxman Mxaamuud Daamey

15-Fakhrudiin Shiikh Cabdicasiis

16-Xuseen Cali Cabdi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -