Xaaf oo shaaciyey in la qabtay raggii xalay xasuuqa ka geystay Koonfurta Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii loogu geystey Magaalada Gaalkacyo dad ka badan 10 ruux oo kasoo jeeday degaanada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Somalia.

Xaaf ayaa shaaciyey in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiigleyaashii ka dambeeyay falkaas waxashnimada ah, cadaaladana ay wajihi doonaan.

“Kooxda geysatay dil wadareedkan waxay ahaayeen rag weyraxsan oo ka carooday sarkaal maqribnimadii la diley.”ayuu yiri oo ugu baaqay dadka Shacabka ee Koonfur Galbeed inay isdejiyaan, isla markaana dadkaasi dhibaatadda geystay sharciga la marsiin doono, ciqaabta ay mudan yihiin.

Dowlada Somalia iyo qeybaha bulshada ayaa si weyn u cambaareeyey dil dad ka badan 10 qof oo rayid ah loogu geystay Koonfurta Gaalkacyo, kuwaasoo sida muuqata loogu aargudayey sarkaal ka tirsan nabad sugidda Galmudug oo xalay lagu dilay magaaladaasi, waxaana dilka sarkaalkan masuuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

Dhacdadan foosha xun ayaa maanta si weyn looga hadal hayey guud ahaa Soomaaliya iyadoo qabsatay baraha bulshada oo dadku ay ku soo bandhigayeen carada ay ka qabaan, waxaana lagu baaqay in  cadaalada la horkeeno kooxihii ka dambeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -