Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Ciidamada Somaliland oo isaga baxay Deegaanka Tukaraq iyo Dad faraxsan oo isugu soo baxay

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa saakay gabi ahaan isaga baxay saldhigyadii ay ka joogeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana durba halkaasi gaaray dadka deegaanka oo ku faraxsanaa ka bixitaanka ciidanka Somaliland.

Saldhigyadii ay deegaanka Tukaraq kaga sugnaayeen ciidamada maamulka Somaliland ayaa saakay ah kuwa haawanaya, waxa ayna ciidamada iyo gaadiidkooda u baxeen deegaanno kale oo katirsan gobolka Sool.

Dadweyne faraxsan oo isaga kala yimid goobo kala gedisan ayaa isugu soo baxay deegaanka Tukaraq gaar ahaan saldhigyadii iyo fariisimihii ay saakay ka baxeen ciidamada maamulka Somaliland.

Ka bixitaanka deegaanka Tukaraq ee ciidamada Somaliland ayaa muujineysa guul darro kale oo soo wajahday maamulka Somaliland, waxa uuna maamulka Muuse Biixi lumiyay inta badan gacan ku heyntii gobolka Sool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Maxaa keenay in ciidankii ugu badnaa la geeyo Gaalkacyo? (Warar kale oo xiiso badan)

Caydiid Ali

Ninka ugu taajirsan caalamka oo kala bar hantidiisa weynaya & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo Imtixaan adag maraya iyo Liiska Musharaxiinta uu soo saarayo oo…

Cabdi Cade