Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano Taageersan Jawaari oo kulmay Eedeyna u jeediyay C/Wali Muudey (Daawo Sawirro)

Xildhibaano taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxa ayna Xildhibaanadan eedeyn usoo jeediyeen Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka.

Waxa ay ku eedeeyeen Xildhibaanadan Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Cabdiweli Muudey in uusan dhax dhaxaad ka aheyn mooshinka Jawaari laga keenay, waxa ayna sheegeen in uu la saftay Xildhibaanada mooshinka wada.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in Muudey uusan kaligiis wax go’aamin karin kalsoonina aysan ku qabin , , waxa ayna ku baaqeen in la helo Gudoon dhax dhaxaad ah ay ku kalsoonaan karaan.

Xildhibaanadan taageersan Gudoomiye Jawaari ayaa soo dhaweeyay baaq shalay kasoo baxay Xildhibaanada Aqalka sare oo ku aadanaa mooshinka Baarlamaanka horyaala iyo xiisada ka dhalatay.

Baarlaaanka Soomaaliya ayaa hada u qeybsamay labo garab kuwa taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuwa kasoo horjeeda oo mooshin kawada , waxaa sidoo kale Gudoonka Baarlamaanka iyana soo kala dhax galay kgilaaf xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka iyo Qoorqoor oo ka wada hadlay xiisada ka taagan Guriceel (Sawirro)

Caydiid Ali

Ruushka oo xabsiga dhigay weriye lagu eedeeyey inuu u basaasayey Mareykanka

Caydiid Ali

Puntland oo si adag uga hadashay Ciidamo la sheegay in dowlada ka qoraneyso Mudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---