Beesha Caalamka iyo Qoorqoor oo ka wada hadlay xiisada ka taagan Guriceel (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa khadka fogaan aragga kula yeeshay wakiilada Beesha caalamka qaarkood.

Sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah kulanka waxaa looga hadlay xaaladaha amni ee dhowaan ka soo cusboonaaday Galmudug gaar ahaan xiisadda u dhaxeysa Galmudug iyo Ahlusunna oo ka taagan degmada Guriceel iyo sida ugu haboon ee loo maareyn karo.

Qoraal kooban oo kasoo kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay inay sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashada Aqalka Sare loona billaabo doorashada Golaha Shacabka.

“Iyadoo qayb ka ah iska warqabka joogtada ah oo ay la leeyihiin hoggaamiyeyaasha Soomaalida, ayey koox ka ka tirsan saaxiibbada caalamiga ah waxa ay  maanta kulan khadka Internet-ka ah la yeesheen Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ si ay ugala hadlaan xaaladaha amni ee dhowaan ka soo cusboonaaday Galmudug iyo muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashada Aqalka Sare loona billaabo doorashada Golaha Shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Kulanka Wakiilada Beesha Caaalamka iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo aadayaa xilli xiisad u dhaxeeysa Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ahlusunna ay ka taagan tahay degmada Guriceel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -