(Daawo Sawirro) Koox ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhintay qarax ay aasayeen

Saraakiisha Ciidanka Kenya ee gobolka Lamu ayaa sheegay in afar ka mid ahaa Al-Shabaab ay ku dhinteen shalay qarax markii ay la kacday Miino ay iyagu aasayeen.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Lamu, ahna madaxa howlgalka Keymaha Boni Joseph Kanyiri, Saddex ka mid ahaa Al-Shabaab ayaa isla goobta ku dhintay, halka Ninka Afaraadna meydkiisa laga helay Keyn wax yar u jirta halka uu Qaraxu ka dhacay, isagoo isku dayay inuu baxsado, balse halkaas ku itaal beelay dhaawaca soo gaaray awgeed.

Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow halka loo yaqaano Omollo Bridge, oo ka tirsan gobolka Xeebta ee Lamu, ayay Al-shabaab doonayeen in ay la eegtaan dadka iyo Gaadiidka isticmaalaya wadadaasi.

Ciidanka Kenya ayaa goobta uu qaraxu ka dhacay waxay ka heleen, qaar ka mid ah saanaddii Millateri ee ay wateen al-shabaab, Qasnadaha rasaasta, qoraallo iyo qalab kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -