Madaxweyne Biden oo shaaciyay in Ruushka go’aansaday in uu weeraro dalka Ukrine

Dowladda Ruushka ayaa ciidamo dheeraad ah kusii daabuleysa xadka ay la wadaagto dalka Ukrine, waxaana laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda in ciidamada Ruushka gudaha u galaan dalka dariska la ah ee Ukrine.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dhigiisa dalka Ruushka Putin uu go’aamiyay in la weeraro dalka Ukrine, waxa uuna xusay in weerarkaasi uu dhici karo maalmaha soo socda.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Biden in xoggo ay heleen sirdoonkooda in ay muujineyso in Ruushka diyaariyay duulaan ay ku qaadaan dalka Ukrine gaar ahaan caasimadda dalkaasi ee Kiev.

Dowlada Ruushka ayaa marar badan beenisay in ay duulaan ku tahay dalka Ukrine, waxa ayna Ruushka ku eedeeyeen dowladda Mareykanka iyo dowladaha kale ee reer Galbeedka ah in ay buun buuniyaan duulaanka beenta ah.

Ruushka ayaana beenintiisa hadana imaaneysaa xilli ciidamo boqol kun ka badan oo wata taangiyo iyo hub kale oo culus la geeyay xadka Ukrine halkaas oo laga cabsi qabao in ay ka gudbaan ayna weeraraan dalka Ukrine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -