Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xil ka qaadis  ku sameeyey Cali Shaamey.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xil kaqaadis  ku sameeyey Cali Ibraahim Cali (Shaamey).

Wareegto ka soobaxday Xafiiska madaxweyne Lafta-gareen ayaa loo direy dhammaan Wasaaraddaha Dowladda Federaalka ah, Hay’addaha iyo Safaaradda kaas oo uu ugu sheegayo in uuna marnaba meteli karin xafiiska madaxweynaha iyo Dowlad Goboleedka Midna. Mudane Cabdi Cashur Xasan Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa xilkii xubinimada guddiga isgaarsiinta ka qaaday Cali Shaamey oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda isla markaanna xubin uga ahaa Guddiga Isgaarsiinta Qarankataas, waxa uuna ku biiray islamarkaana metelay xisbi siyaasi ah.

Mudane Cali Shaamey ayaa xil kaqaadistaas ku gacansayray isaga oo sheegay in uu maxkamad la aadi doono Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, inkasta oo uu wasaaradda ku metelayey xubinnimada guddiga isgaarsiinta Qaranka haddana waxa uu sheegay Cali Shaameey in aysan wax xeer ah oo u diidaya in uu xisbi ku biiro.

Hoos ka Aqriso Wareegtada Xilka qaadista

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -