Maxaa ka jira in la jabsaday Keydka Hubka ee Wasaarada Gaashaandhiga ?

Warbaahinta qaarkood iyo baraha bulshada ayaa lagu baahiyay war la xariiray in la jabsaday hub badana lagala baxay keydka hubka Milatariga Soomaaliya ee kuyaala Wasaarada Gaashaandhiga.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in la jabsaday keydka hubka ee Wasaarada Gaashanadhiga.

Waxa uu sheegay in been abuur xaqiiqada ka fog ay tahay warka sheegaya in la jabsaday keydka hubka ee Wasaarada Gaashaandhiga, waxa uuna Warbaahinta uga digay faafinta wararka been abuurka ah ee xasaradaha abuuri kara.

”Waa been abuur aan jirin in la jabsaday keydka hubka ee Wasaarada Gaashaandhiga, Warbaahinta ku howlan wararka been abuurka waxaan uga digayaa in ay ku dhaqmaan wax ka baxsan sharciga iyo nidaamka u dagsan Dal” ayuu yiri Indha Qarshe

Hadalka taliyaha ayaa kusoo aadaya xili la faafinayay maalmihii lasoo dhaafay warkan ku aadan in la jabsaday keydka hubka ee leeyihiin ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ku dhax yaala xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -