Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka oo xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed G/lle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa xilka kala wareegay taliyihii hore S/Guuto Axmed  Aadan Cali.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka sareeye Guuto Madey Nuurey Shiikh ayaa xilka u kala wareejiyey Taliyaha cusub iyo taliyihii hore.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed G/lle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa balan-qaaday inuu dardar gelin doono dagaalka ciidanka DF kua jiraan kooxda Al-shabaab si buu yiri kooxdaas loga ciribtiro guud ahaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxaana uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyaha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -