Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada amniga oo aasay hilib qurmay oo la soo geliyey Muqdisho (Daawo Sawirro)

Ciidamada Booliska degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa galabta aasay hilib qurmay oo ay ku qabteen gaari nooca Soomaalida u taqaano DYNA iyo Mooto Bajaaj.

Hilibkaas ayaa shaqsiyaadkii watey oo gaarayay 14 waxay sheegeen inuu ka halaabay ciidamada AMISOM, isla markaana ay iyagu doonayeen inay ku iibiyaan degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Shaki badan ayaa markii hore laga muujiyey waxa uu ahaa hilibkaas, hase ahaatee Waaxda fayo dhowrka ee Maamulka gobolka Banaadir oo baaritaan ku sameysay hilibkaas ayaa xaqiijisay inuu ka koobnaa hilibka xoolaha sida lo’da, ariga iyo digaaga.

Raggii watay ayaa la sheegay iney weli ku xiran yihiin saldhiga Booliska degmada C/casiis, iyadoo Saraakiisha Boolisku sheegeen iney Maxkamad soo taagi doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Difaaca DF oo kulamo xasaasi ah la qaatay Saraakiil ka tirsan EUTM-S (Sawirro)

Caydiid Ali

Banaan bax Rabsahada wata oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Waa Kuma Masuulkii ugu horeeyay oo xili habeen ah ka dhoofay kana soo dagay Garoonka diyaaradhaa Muqdisho !!

admin
Taboola Ads ---