Allbanaadir.com
NEWS

Qarax khasaare u geystay dad ehelo ah oo caawa ka dhacay Muqsdisho

Qarax ayaa ka dhacay caawa agagaarka xarunta Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir kaasoo geystay khasaare nafeed.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo loo adeegsaday bam gacmeed loo waday xarunta Maamulka degmada Yaaqshiid balse uu haleelay albaabka hore ee guri ay dad shacab ah degan yihiin oo ku yaalla meel u dhow xarunta degmada.

Ugu yaraan labo ruux oo ka mid ahaa qoyskii degenaa gurigaas ayaa ku dhaawacmay qaraxaas oo sidoo kale khal khal badan ka abuuray xaafadaas.

Dadka dhaawacmay ayaa isugu jiray gabar iyo eedadeed, waxaana gabadha lagu Magacaabaa Faa’izo Axmed halka eedada magaceeda lagu sheegay Fahmo Cabdulle.

Haweenkan dhaawacmay ayaa la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho si halkaasi loogu daweeyo.

Qoyskan caawa bamku saameeyey ayaa sanadkii hore ee 2017 waxaa gurigooda hortiisa ku qarxay gaari uu lahaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, waxaana qaraxaas uu sababay dhimashada wiil la dhashay Fahmo Cabdulle  oo caawa ku dhaawacantay qaraxa bamka.

Maamulka degmada Yaaqshiid gobolka Banaadir iyo Saraakiisha amaanka degmadaas ayaan ka hadlin qaraxa caawa ka dhacay degmadaas oo kooxihii ka dambeeyey ay baxsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Cusub oo macawuusley ah oo Dagaal loo diyaariyay oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo shaacisay iney askar badan ka leysay Ciidanka Kenya, gaadiidna ka gubtay

Caydiid Ali

Musharaxiinta Mucaaradka qaarkood oo Wadahadalo u socda iyo Hal qorshe ay leeyihiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---