Shiikh Shaakir:” Koonfur Galbeed waa Galmudug, Galmudugna waa Koonfur galbeed”

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa si kulul u beeniyey warar 24-kii saac ee la soo dhaafay qabsaday baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaalida oo sheegayey  in magaalada Dhuusamareeb laga masaafurinayo dadka ka soo-jeeda beelaha Digil iyo Mirifle.

Sheekh Shaakir waxaa uu sheegay inuusan jirin amar noocaas ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ayna been abuur yihiin wararka suuqa la geliyey.

“Hadalkaas waa hadal been abuur ah, oo dadka beenta jecel ay iska abuuranayaan, Koonfur galbeed waa Galmudug, Galmudugna waa Koonfur galbeed, Soomaali weeye, Soomaaliyana Soomaali baa leh” ayuu yiri Shiikh Shaakir oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Saacado ka horna Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Galmudug Ibraahim Jeekey ayaa sheegay in maamulku uu kulan la qaatay dadka ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ayna kala hadleen oo kaliya iney maamulka kala shaqeeyaan sugida amaanka.

“Waa jirtaa in shalay Dhuusamareeb loogu wacay dadka ka soo jeeda degaanada Koonfur galbeed, waxaa lagala hadlay waa sugidda amniga, kaalinta ay ku leeyihiin, iney soo wargeliyaan qofkii iyaga ku soo dega oo damiin ay ka noqdaan ama kan kale ee magaalada iska jooga ee ka tirsan. Sababtana waa in hey’adaha amniga ka war hayaan waxa socda, lana sugo amnigooda shakhsiga ah iyo hantidooda” ayuu yiri agaasimaha.

Arimahan ayaa ka dhashay markii dhowaan ciidamada Galmudug ay qabteen nin ka soo jeeda degaanada Koonfur galbeed oo isku qarxin rabay xaflad ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta ugu sareysa Galmudug kaasoo weli ku jira gacanta maamulka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -