Yuusuf Dabageed oo sheeko cusub keenay, kana hadlay sida uu xilka ku waayi karo

Gudoomiyaha xilka laga qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa go’aan cusub ka qaatay xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waarre.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in magacaabiddiisa ay ku timid heshiis ay wada galeen maamulka Hirshabelle iyo madaxda dowladda Somalia, sida uu ku baxayo ee xilka looga qaadi karana ay tahay in dowladda Federaalka ay soo farageliso arrintiisa, uuna qaadan doono wixii dowladda Somalia ay ku taliso.

“Waxaan ku imid heshiis dowlada federaalka iyo madaxda Hirshabelle wada galeen, haddana waa inay arintan dowladu aay soo faragaliso, waxaana qaadan doonaa wixii dowladu Somalia ku taliso” ayuu yiri Yuusuf Dabgeed oo ka hadlayey magaalada Beledweyne.

Yuusuf Dabageed ayaa ku eedeeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe inuu la xiriiray talisyada ciidamada, isagoo ku amraya inay soo xiraan, wuxuuse sheegay inaan la xiri karin oo go’aankan uu qaatayna uu yahay mid ay u soo dhigeen waxgaradka Hiraan sida uu yiri.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa xilka ka qaaday Yuusuf Dabageed shalay ka dib markii ay isku qabteen Maamulka iyo Maareynta dhaqaalaha gobolka Hiiraan, hase ahaatee dabageed ayaa diiday xilka qaadista lagu sameeyey, isagoo weli ku adkeysanaya inuu yahay guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -