Dil Wiil Dhalinyaro ah loogu geestay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeesan ayaa xalay xaafada Raadeelka ee Degmada Dayniile waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeesanayay mooto bajaaj, waxaana baxsaday kooxihii dilkaasi geestay.

Sida aan wararka ku helnay raga dilka geestay ayaa dhac u geesanayay mooto bajaaj uu watay wiilka la dilay, waxaana la sheegay Wiilka la dilay in uu ka biyo diiday in furaha dhiibo kadibna xabad lagu dhuftay.

Raga dilka geestay oo loo maleenayo in ay burcad ahaayeen ayaa horey usii qaatay mootada Wiilka la dilay , waxaana la sheegay in gacan ku dhiiglayaasha si nabad galyo ah u baxsadeen.

Ciidamada amaanka ayaa baadi goob ugu jira ragii ka dambeeyay dilka loo geestay wiilka dhalinyarada, waxaana dilkan uu imaanayaa xili magaalada Muqdisho kusoo badanayaan dilalka loo geesanyo dhalinyardaa bajaajta ku shaqeesata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -