Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ibraahim Bursaliid & rag lala xiray oo ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Nairobi

Afar Ruux oo Soomaali ah oo uu ka mid yahay Aqoonyahan Ibraahim Bursaliid oo Arbacadii ay xireen Ciidamada Sirdoonka dalka Kenya ayaa maanta la horkeenay Maxkamad ku taalla Magalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Dadkan ayaa Kenya waxay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin waxa  dalalka Reer Galbeedka ugu yeeraan argagaxisada, waxayna kala yihiin, Maxamuud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed, Xuseen Xasan Maxamuud iyo  Ibraahim Qaasim Faarax (Bursaliid).

Garsooraha Maxkamada  Milimani ee magaalada Nairobi garsoore Peter Okoo ayaa amray in Afarta Ruux ee Soomaalida ah lagu sii haayo Xabsiga mudo Afar Cisho ah, isagoo xeer ilalainta ka dalbaday iney keenaan cadeymo buuxa oo la xiriirta dembiga loo heysto raggan oo Maxkamadeyntooda dhici doonto  12-ka Bishan.

Hoyga Aqoonyahan Ibraahim Qaasim Faarax (Bursaliid) ayaa la sheegay laga helay Baasaboor Jabuutiyaan ah, warqadaha gudiga doorashada afar taleefan Card-ka aqoonsiga qaxootiga ee loo yaqaan Alien-ka iyo Copy-ga laba Kibandho oo sharciga Kenya ah sida ay qoreen warbaahinta Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada oo maanta Ansixiyay Siyaasadda Iyo Istaraatiijiyadda Qaran Ee ….

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur: “Weerarka la igu soo qaaday wixii ka yimaada Farmaajo ayaa qaadaya”

Caydiid Ali

Habraaca Doorashada Aqalka Hoose iyo Xulista Ergooyinka oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---