Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Buhari oo la kulmay Gabdho ay sii daayeen Boka Haram (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dalka Nageria Muhammadu Buhari ayaa la kulmay in ka badan 100-gabdhood oo ay sii daayeen kooxda Boka Haram, gabdhahan ayaana laga afduubtay dhawaan iskuulo kuyaala magaalada Dapchi .

Kooxda Boka Haram ayaa sii daysay gabdhahan ciyaal iskuuka laga qafaashay oo gaaray 106-gabdhood iyo wiil yar, waxaana gabdhahan hada yihiin kuwa xaaladooda wanaagsan tahay marka laga reebo afar gabdhood oo lugaha ka jabay.

Madaxweyne Buhari oo la kulmay gabdhahan ayaa sheehay in kooxda Boka Haram kusoo daayeen Shuruud la’aan, waxa uuna ugu baaqay in sidoo kale soo daayaan gabdho kale oo iskuulo laga afduubtay iyo dad kale oo gacanta ugu jira kooxdaasi.

Wuxa uu ka codsaday Madaxweyne Buhari gabdhaha la soo badbaadiyay inay magaaladooda maraan oo aysan ka baqin in dhibaatooyin loo geysto, waxa uuna u sheegay in xaaladooda lala socon doono.

Madaxweyne Buhari ayaa ku amray hay`adaha ammaanka inay hubiyaan ammaanka dhammaan iskuullada u nugul weerarrada kooxda Boka Haram, isagoo ka digay inaan la fududeysan doonin haddii dhacdooyinkan oo kale ay soo laabtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska oo qabtay Nin maanta Muqdisho ku dilay Xaaskiisi hore oo u heesay Saddex Wiil

Cabdi Cade

Qalbi-dhagax oo si Khiiro leh uga sheekeeyey qaabkii loogu gacan geliyey Itoobiya (Daawo Video)

Caydiid Ali

 Ra’isul Wasaare Kheyre oo runta u sheegay Xildhibaano kala hadlayay Xariga C/raxmaan C/shakuur

admin
Taboola Ads ---