Muqdisho & inta badan gobolada dalka oo si Weyn looga dabaaldegayo Ciidul-fitriga

Magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolada dalka Somalia ayaa maanta si isku mid ah waxaa uga socda dabaaldegyo loo sameynayo munaasabada maalinta 1aad ee ciidul Fitriga ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd, taasoo dadka muslimiiinta ee caalamka ay soo guteen waajibaadka soonka oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Dadweyne fara badan ayaa saaka u dareeray masaajidada iyo goobo kale oo loo cayimay halkaasoo ay ku soo tukadeen salaadii ciidul fitriga iyagoo intooda badan ay ku lebisan yihiin dhar aad u qurux badan oo ay ugu talo galeen munaasabada ciida iney kaga qeyb qaataan.

Dowlada Soomaaliya, Xarakada Al-Shabaab, Somaliland iyo Puntland iyo inta badan Maamulada kale ee gobolada ka jira ayaa xalay waxay shaaciyeen iney maanta tahay maalin ciid ah bishii soonfureedna laga arkay degaano badan oo ka tirsan dalka, iyadoo madaxda dowlada iyo maamulada kale ee dalka ay shacabka ugu hamblayeeyeen munaasabada ciida.

Madaxda sare ee dowlada Somalia  iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowlada ayaa saaka kala qeyb galay boqolaal dadweyne ah tukashada salaada ciida oo ka dhacday masjidka isbaheysiga Islaamka, iyadoo la xiray wadooyinka masaajidka gala.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee nabad sugida iyo kuwa AMISOM ayaa lagu daadiyey min madaxtooyada illaa nawaaxiga masjidka Isbaheysiga Islaamka, si ay u xoojiyaan amaanka madaxda dowlada ee masjidkaas ku tukaneysay, waxaana dhowr meelood si adag loogu baarayaey dadka masaajidka galaya.

Markii la tukaday saaka salaada ciida oo ay ka horeysay takbiirta laga qaadayey masaajida ayaa waxaa wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho isugu soo baxay boqolaal iyo kumanaan dadweyne ah oo isugu jira rag, dumar iyo caruur wata lebisyo aad u qurxoon, iyagoo isku booqanaya guryaha oo lagu diyaariyey macmacaano loogu talo galay maalinta weyn ee ciidul Fitriga, waxaana dadkaasi ay isku marxabeynayeen ereyo ay ka mid yihiin Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak iyo kuwo kale.

Caruurta oo si gaar ah ugu dhex muuqatay dadka ayaa la arkayaa iyagoo wadooyinka ordaya oo ku lebisan dhar kala midab ah oo qurux badan, isla markaana ku ciyaaraya waxyaabo kala gedisan oo dhawaaqaya sida bastoolado, Firimbiyo iyo qalab kale oo loogu talo galay iney caruurtu ku ciyaarayaan, waxaana dadka ay ku faraxsan yihiin si aad ah munaasabada maalinta ciidul fitriga awgeed, iyadoo idaacadaha maxaliga ah ay sii deynayaan suugaan iyo barmaamijyo gaar ah oo loogu talo galay maalmaha ciida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -