Axmed Madoobe oo dad fara badan Salaadii Ciida kula tukaday Kismaayo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dadweyne iyo masuuliyiin kala duwan maanta salaada ciidul fidriga kula tukaday Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa ugu horayn guud ahaan umada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo ugu baaqay inay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan.

Madaxweynahaha ayaa sidoo kale ka hadlay marxaladahii burburka lahaa ee dalku uu soo maray isagoo xusay in Soomaalida ay u nugul yihiin wax duminta iyo in hantida umada la burburiyo taas oo wadaniyada iyo dal jacaylka aan sal ku lahayn wuxuu intaas ku daray in burburkii dalka laga dhaxlay kala daadsanaan iyo sharciga oo aan la aaminin.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Dowladnimada Soomaaliya ay tahay wax adag in dadka sharciga lagu hago balse sanadahii dhawaa wax badan ay isa soo badalayeen inkasto qaybaalada ay wali tahay caqabad weyn oo aan laga gudbin.

Dhinaca kale wuxuu sheegay Madaxweynahu in Siyaasada dalka aanay fadhiyin oo wax badan ay khaldan yihiin isagoo xusay in Madaxda Dowlada Federaalka ah aanay war badan ka haynin dhibkii looso maray Dowladnimada iyo isku haynta Qaranka sida ay qiyamka u tahay.

Dadweynaha ree Jubbaland Ayuu isagoo sii hadlaya Madaxweynahu ugu baaqay midnimo iyo wadajir isagoo sheegay in doorashooyinka dhawaan dhacaya ay tahay in la ilaaliyo Dastuurka iyo sharciga Jubbaland u yaala taas oo ah waxa Dowladnimadeenu ay ku dhisan tahay.

Gudiga Xuduudaha iyo doorashooyinka ayuu Madaxweynahu sheegay in cidii damac uu ku jiro ay marto iyo shuruucda kale ee Jubbaland u yaala balse aan la aqbalaynin fara galin isagoo si gaar ah u xusay in warqadii dhawaan ay soo saartay Wasaarada Arimaha gudaha aysan ahayn wax Jubbaland u yaala.

Arimaha Amniga ayuu xusay Madaxweynahu in aan marna gorgortan laga galaynin oo ay tahay in qof walbaa uu wixii sharcigu u ogolyahay uu maro.

Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in ay kasoo dhalaalaan doorkooda hogaamineed iyo ka odayaynta danaha umada iyo wadajirkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -