Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay Boosaaso & Wararkii ugu dambeeyey

Askari ka tirsan ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu dilay caawa magaalada Boosaaso ka dib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen rag bastoolado ku hubeysan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in askariga xilligii Afurka lagu dilay isagoo ku sugnaa goob Qaadka lagu iibiyo oo ku taalla meel u dhow Isgoyska Xalwo Banaadir ee magaalada Boosaaso.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, iyagoo halkaasi ka qaaday meydka askariga, waxaana ay sameeyen howlgallo baaritaano wallow aan dad loo qaban dilkaas.

Kooxaha dilka geystay ayaa baxsaday ka hor inta aysan goobtaas gaarin ciidamada amaanka, waxaana dilalka noocan ah looga bartay kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo ku xooggan degaano ku dhow Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Afwerki oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya & ciidankii lagu soo tababaray dalkiisa

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somaliland oo go’aano culus soo saaray

Caydiid Ali

War cusub oo ka soo kordhay jidadkii mudada xirnaa ee magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---