Sacuudiga oo War ka soo saaray dhalashada bisha Shawaal, kuna dhawaaqay iney beri tahay..

War goor dhoweyd kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa lagu dhawaaqay in Berri ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga, kadib markii dad kala duwan ay ka arkeen dhulka Boqortooyada.

Wararka ayaa sheegaya in Deegaanka Tumair ee dalka Sacuudiga  laga arkay bisha Shawaal,

Bayaanka Maxkamadda Sare ee Sacuudiga oo ay faafisay wakaalada wararka Sacuudiga, lagana sii daayey Telefishanada dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay inay maxkamadda go’aamisay inay Berri tahay ciid, kadib markii ay bisha Shawaal ee sanadkan 1440 ay arkeen markhaatiyaal kalsoon yahay.

Dalalka Aasiyada fog sida Indonesia, Maleysiga iyo dalala kale ayaa hore ugu dhawaaqay inaysan arkin bishii Shawaal oo Berri ay dhammeystirayaan 30-ka Shacbaan, iyadoo Ay Ciidul fitriga u bilaabaneyso Arbacadda.

Sidoo kale Imaaradka Carabta iyo Baxreyn ayaa ku dhawaaqay iney beri tahay ciid, halka dalal ay ku jiraan Bakistan iyo indonesia ay sheegeen ineysan bisha arkin sidaas awgeed ay beri u tahay Soon, ayna ciidayaan arbacada oo ku beegan 5-ta bisha Juun.

Dowlado kale oo ay ku jirto Soomaaliya ayaan illa ahadda war hadda ka soo saarin iney beri ciid tahay iyo in kale, iyadoo la filayo iney war arintan ku saabsan soo saaraan saacadaha dhow.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -