Ukraione: Milateriga Ruushka oo jebiyey xabad joojin ka jirtay labo Magaalo

Ra’isal Wasaare ku xigeenka Ukraine Iryna Vereshchuk ayaa Ruushka ku eedeysay inuu jebiyey xabbad joojintii ku meel gaarka ahayd ee laga gaaray magaalooyinka Volnovakha iyo Mariupoli.

Iryna waxay sheegtay iney ciidamada Ruushka ay billaabeen madaafiic iney ku garaacaan magaalada Volnovakha.

Ku xigeenka duqa Magaalada Mariopoli Sergie Orlov ayaa sheegay Ruushka inuu ku xadgudubay xabbad joojinta arrimaha bani aadanimada loo gaaray iyaga oo weli magaaladaasi ku hareereysan xilli ay maamulka magaaladaasi qorsheynayaan hirgelinta qorshaha ay shacabka magaaladaasi ka qaxaya si nabad ah uga saarayaan.

Srgie wuxuu walaac ka muujiyey amniga waddada ay sii marayaan dadka magaalooyinka Volnovakha iyo Mariupoli.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa beenisay eedeyntan waxayna sheegtay iney labada dhinac ay ku heshiiyeen in shacabka magaalooyinkaasi loo furo waddooyin ay ku qaxaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -