AMISOM oo shaaciyay in ay qabteen Xubno katirsan Al Shabaab oo weerar …

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen labo xubnood oo katirsan Al Shabaab ,kuwaa ay AMISOM sheegtay in ay weerar la damacsanaayeen.

AMISOM warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidankooda oo maraya wadada isku xirta Degmada Wanlaweyn iyo Balli-doogle ay arkeen miino wadada dhinaceeda lagu aasay kuna guuleesteen in ay fashiliyaan.

Taliska AMISOM ayaa sheegay in labada nin ay qabteen ay damacsanaayeen in weerar gaadmo ah ku qaadaan ciidankooda marka miinada qaraxdo balse ku guuleesteen in ragaasi nolol ku qabtaan.

“Markii Miinada laga saarayay goobta waxaa ragga la qabtay la geeyay meel goobta u jirta 500M kaddib ayaana laga saaray miinada,raggii la qabtayna waxaa loo dhaadhiciyay Balli doogle si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo” ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxyo miino iyo weeraro gaadmo ah kala kulma wadooyinka ay ka isticmaalaan gobolada Shabeelooyinka ay ka howlagaan, waxaana weeraro badan oo AMISOM lagu gaaday kasoo gaaray khasaaro kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -