Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada) 

Waxaa degmada Bardaale ee gobolka Baay lagu soo bandhigay nin la sheegay in uu katirsanaa saraakiisha Al Shabaab ee ka dagaalanta gobolada Baay iyo Bakool ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Sargaalkan oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Maxamed Aadan ( Ibarhim Boolis) ayaa isku soo dhiibay ciidanka Koonfur Galbeed ee ku sugan degmada Bardaale , waxaana sargaalkan soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka degmada Bardaale.

Guddoomiyaha Degmada Bardaale Maxamed Isxaaq Araxas ayaa Warbaahinta u sheegay in sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab uu xiriir lasoo sameeyay maamulka kahor inta uusan isa soo dhiibin, waxa uuna xusay in Al Shabaab xilal kala duwan uu ka hayay sargaalkan.

“Waxa uu xiriiro badan la soo sameyay maamulka kaddib isagaa go’aansadey in ka soo tego kooxda Al-Shabaab kadib markii uu u adkeysan waayay dhibaatada loo geysanayo shacabka Koonfur Galbeed”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Bardaale.

Sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab ee lagu soo bandhigay Bardaale ayaa la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa Madaxa maaliyada iyo sirdoonka Degmada Bardaale , waxa uuna ahaa nin si weyn looga yaqaaday degmada Bardaale iyo deegaanada ku xeeran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Askar loogu tala galay in ay sugaan Amaanka Muqdisho oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xildhibaan sheegay in Ra’isul Wasaare Kheyre booqday magaalo uu Gumeysi ka jiro !!

Cabdi Cade

Wiilkii Geedka ee Wacdaraha Dhigey (S/Guuto Farxan Maxuud Aadan- Qaroole)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---