Madaxweyne Muuse Biixi oo wareegto ku cayimay Qabsoomida Doorashooyinka Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tix-raacaya Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo la xidhiidha Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, waxa uu wareegto Madaxweyne ku cayimay Muddada qabsoomidda doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer Madaxweyne Lr. 22/082023

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.

Markaan Arkay; Qodobka 16aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanka Doorashooyinku awood u leeyahay inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro;.

Markaan Arkay; Qodobka 6aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanku uu cayimayo taariikhaha la qabanayo Doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka, iyaga oo ku salaynaya bil ka hor muddo-xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wakiillada, waxaana si rasmi ah loogu cayimayaa Degreeto Madaxweyne;.

Markaan Helay; Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, qoraalkaasi oo uu komishanku ku soo gudbiyay Go’aanka Sumaddiisu tahay Tix; KDG/XK/K-6/54/2023, kuna taariikhaysan 17/07/2023, kaasi oo Komishanku ku Go’aamiyay Qodobbadan;

1. In doorashada Xisbiyada Qaranka la qaban doono taariikhdu markay tahay 28 December 2023, si loo helo Saddex Xisbi Qaran oo ansaxsan, lana siiyo Shahaadada Xisbinimo ee tobanka (10) sanno ah, si waafaqsan Qodobka 5aad Farqaddiisa 3aad xarafka (j) ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011;.

2. In doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxawynaha la qaban doono bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, sida ku xusan Qodobka 83aad Farqaddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna beegan 13 November 2024, iyada oo la raacayo go’aanka muddo kordhinta Golaha Guurtida ee tix-raaciisu yahay GG/JSL/G-03/10/2022, kuna taariikhaysan 01/10/2022;

Waxan Go’aamiyey

1. In Doorashada Xisbiyada Qaranku ka qabsoonto dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu markay tahay 28 December 2023.

2. In Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoonto taariikhdu markay tahay 13 November 2024.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -