Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo si rasmi ah u cadeesay Go’aankeeda ku aadan Mudo kororsiga Dowlada

War qoraal ah oo kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu cadeeyay mowqifkooda ku aadan mudo kororsigii Xildhibaanada golaha shacabka ee waqtigoodu dhamaaday u sameeyeen dowlada federaalka Soomaaliya.

Puntland qoraalkan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in aysan aqoonsaneyn mudo kororsiga labada sano ah ee dowlada federaalka u sameeyeen Xildhibaanada golaha shacabka iyo xeerka jiheynta doorashada ay meel mariyeen Xildhibaanada.

Qoraalka kasoo baxay Puntland ayaa lagu cadeeyay in heshiiskii 17-kii september uu yahay hanaanka kaliya ee heshiiska lagu yahay in loo wajo doorashada dalka iyada oo la xalinayo caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskaasi.

Halkan ka Akhriso Qoraalka rasmiga ah ee kasoo baxay Puntland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Galmudug oo War ka soo saartay wadahadalkii Wasiirka arrimaha gudaha (Akhriso)

Caydiid Ali

Koox Islaami ah oo joogta Ciraaq oo Weerar Diyaaradeed ku qaaday Israa’iil

Cabdi Cade

Ciidamada Ukrine oo difaacyo ka galay bartamaha caasimada Kyiv (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---