Qaramada Midoobay oo si adag uga hadashay dilkii loo geestay Maxamed Cabdi Khayre

Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareesay dil xalay Koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geestay Maxamed Cabdi Khayre (Fiimto) oo kamid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxa xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee caawinta Soomaaliya, Raisedon Zenenga ayaa si kulul u cambaareeyay dilka xalay loo geestay Maxamed Cabdi Kheyre oo la dilay xili uu salaada cisho masaajid kusoo dukaday.

Maxamed Kheyre ayaa ayaa u shaqeynayay qeybta amniga iyo badbaadada ee xafiiska Qaramada Midoobay , waxa uuna Madax ka ahaa qeybta amniga ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Galmudug.

”Waxaan ka baroor diiqeynaa geerida Mr Khayre, oo si howlkarnimo ah uga shaqeynayay qeybta amniga iyo badbaadada ee xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,Waxaan ku boorrineynaa laamaha amaanka in ay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilka loo geestay Mr Kheyre ” ayuu yiri Raisedon Zenenga.

Wali ma jirto koox sheegatay masuuliyada dilka xalay Koonfurta magaalada Gaalkacyo loogu geestay Maxamed Cabdi Kheyre oo ahaa wakiilka dhinaca amniga ee xafiiska Qaramada Midoobay ee Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -