Ra’isul Wasaare Abiy oo xalinaya Khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed iyo muranka  xiligan ka dhax aloosan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo labaduba daris la ah dalka Itoobiya.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya in uu dadaal badan ku bixin doono xalinta xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna xusay in waajib saaran tahay in uu labada dal xaliyo xiisada u dhaxeysa.

Abiy Axmed ayaa tilmaamay hadii aan xal loo helin xiisada Soomaaliya iyo Kenya in saameyn ku yeelan doonto dowladiisa, waxa uuna sheegay in muhiim tahay in arintan xaliyo si aysan saameyn ugu yeelan Xukuumadiisa.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy ayaa sheegay sidii loo xalin lahaa xiisada Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya uu kala kaashan doono Wadamada Eritrea iyo Koonfurta Suudaan.

Abiy Axmed ayaa horey ugu guuleestay in uu kulansiiyo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Kenya markii labada wadan safaaradaha kala qaateen, waxa uuna hada mar kale doonayaa Abiy in uu xal u helo khilaafka siyaasadeed ee labada dal u dhaxeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -