Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Khayre oo soo xiray Imtixaankii dugsiyada Sare ee dalka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Jimce ah soo xiray Imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada Sare ee dalka, kaasoo 27-kii bishan bilowday dalka qeybo ka mid ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehlinayay wasiirka Waxbarashada ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah Xarumaha uu ka socdo imtixaanka, iyagoo dhiiragelinayay Ardayda sanadkan u fariisatay.

Waxaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Waxbarashada ay kula dardaarmeen Ardayda Soomaaliyeed inay si wanaagsan u sii wataan waxbarashadooda, isla markaana dadaal fara badan ay ku bixiyaan si mustaqbalka ay u noqdaan kuwo wax tara naftooda, dalkooda iyo diintooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Safiirkii Somalia u fadhiyey Sacuudiga oo iscasilay isagoo ka cabanaya Hinda Culusow

Caydiid Ali

Guddiga Farsamada dhismaha Galmudug oo ballan qaaday sameeyay (Daawo Sawirada)

admin

Dhibka ka Jira dalka oo war laga soo saaray & Wararkii ugu danbeeyay Cudurka & abaarta

admin
Taboola Ads ---