Guddiga Farsamada dhismaha Galmudug oo ballan qaaday sameeyay (Daawo Sawirada)

Guddiga farsamada dhismaha Galmudug oo magaalada Dhuusamareeb loogu sameeyay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ka qayb galeen bulshada qaybaheeda kala duwan, ayaa ballan qaaday in si caddaalad ah ay ugu shaqeynayaan bulshada deegaannada Galmudug si loo helo Galmdugu loo dhanyahay oo qayb ka qaadata horumarka dalka

Cabdulqaadir Nuur Carraale iyo Cabdinaasir Geelle oo xubno ka ah guddiga farsamada dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa munaasabadda soo dhaweynta ka sheegay in ka shaqeynayaan dhismaha Galmdug loo dhanyahay oo ku saleynsan caddaalad iyo daah-furnaan, waxa ayna codsadeen in lala shaqeeyo si ay u gutaan mas’uuliyadda ka saaran dhidibba u taagidda Galmudug sal adag. Mas’uuliyiinta kala duwan ee ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin guddiga, waxa ayna ballan qaadeen in ay la shaqeynayaan si loo dhammeystiro geeddi socodka dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug.

Xubnaha guddiga farsmada maamul dhisidda Galmudug ee dhawaan ay magaacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaaleynta, ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay bulshada qaybaheeda kala duwan.

- Advertisement -