Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Howlgalo boqolaal qof lagu qabqabtay oo ka dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa howlgallo dheeraad ah ka billaabay xaafaddo ka tirsan caasimadda Muqdisho.

Howlgalladii u dambeeyay ayay ciidammadu ka fuliyeen xalay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir, iyadoo inta uu howlgalka socday la baarayay gaadiidka, guryaha iyo dadka.

Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa waxaa laga soo xigtay howlgalka in lagu soo qabtay dad u badan dhallinyaro, waxaana baaritaan lagu sameeyay lagu fasaxay inta badan dhallinyaradii la qabtay.

“Booliska feejignaan dheeraad ah ayay ku jiraan, waxaana dooneyna caasimadda oo xasilloon , howlgalkana wuu soconaya.” ayuu yiri sarkaal boolis ah oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Saraakiisha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, si loo gaaro Muqdisho oo nabdoon.

Inta lagu gudajiray bisha barakaysan ee Ramadaan ciidammada amniga gaar ahaanna booliska ayaa kordhiyay howlgallada ay ka sameynayaan xaafadaha Muqdisho, waxaana isgoysyada iyo waddooyinka muhiimka ah la dhigay ciidammo aad u hubeysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Salman Khan oo ka bad baaday isku day dil oo salka ku haya aano dil uu ugaar u geestay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Pier Mario iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Horjooge tashkiiliyay Saraakiil ciidan oo la toogtay oo xukun lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---