Allbanaadir.com
NEWS

Websetkii Wasaarada Arimaha Dibadda Itoobiya oo hawada laga saaray

Websetka Wasaarada arimaha dibadda Itoobiya ee dhawaan lagu baahiyay khariidadii muranka badan dhalisay iyo sidoo kale dalalka ay safaaradaha Itoobiya ku leedahay Calamka ee lagu soo daray Somaliland iyo Puntland ayaa hawada laga saaray.

Wali lama oga sababta rasmiga ah ee hawada looga saaray Websetka Wasaarada arimaha dibadda ee Itoobiya, waxa ayna arintan imaaneysaa xili bogaasi lagu daabacay khariidada Afrika oo laga saaray Soomaaliya.

Dowlada Itoobiya ayaana raali galin ka bixisay khariida lagu daabacay bogga Wasaarada arimaha dibadda, waxa ayna dowlada si deg deg ah boga wasaarada uga saartay sawirka khariidadii muranka dhalisay.

Sawirka Khariidada lagu daabay bogga Wasaarada arimaha dibadda Itoobiya iyo sidoo kale dalalka safaaradaha ku leedahay Itoobiya ee lagu daray maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa abuuray hadal heyn badan iyo falcelin dhinaca Soomaalida ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gaari Tesla ah oo ku qarxay bannaanka Hotel uu leeyahay Donald Trump

Cabdi Cade

G/Sare Shuute oo kashifay sababaha ay dilalku ugu soo bateen Muqdisho

Caydiid Ali

Diyaarado weerar bambaano ku qaaday Sacuudiga oo la bur buriyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---