Diyaarado weerar bambaano ku qaaday Sacuudiga oo la bur buriyay

Ciidamada cirka ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa fashiliyay weerar gantaal oo lala damacsanaa in lagu garaaco caasimadda Riyaad, waxaana weerarkan lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Telefishinka Sacuudiga ayaa baahiyay in dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha wadin oo bambooyin lagu soo rakibay oo ku wajahnaa magaalada Riyaad iyo magaalooyin ku yaalla Koonfurta Sucuudiga la bur buriyay.

Weerarkan oon wali la shaacin khasaaraha ka dhashay ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta Yemen, waxa ayna Sacuudiga kooxdaasi ku eedeesay falal cabsi galin ah.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa xoojiyay weerarada gantaalada loo adeegsado ay ku qaadayaan Boqortooyada Sacuudiga, waxaana marar badan ciidamada cirka Sacuudiga fashiliyeen weeraro lagu qaaday gudaha Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -