Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo garoomadeeda ka mamnuucay alaabaha laga keeno Soomaaliya ee aan …

Dowlada Kenya ayaa soo saartay go’aan cusub oo garoomada dalkeeda looga mamnuucayo in ay kasoo degaan alaabaha aysan la socon dadka iska leh ee ka yimaada dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in alaabta lasoo saaro diyaaradaha Soomaaliya ee aan lala socon lala wareegi doonaan kadibna burburin doonaan iyadoo la raacayo shuruucda daabulka hawada.

”Kenya ma ogolaan doonto alaab aysan la socon qofkii lahaa in la keeno dalka , arintan waxay ka hor imaaneysaa shuruucda caalamiga ah ee duulimaadyada waxayna keeni kartaa Qatar Amni” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowlada Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in aan dalkeeda aan loo diidin masuuliyiinta dowladda federaalka iyo Muwaadintii Soomaaliyeed ee u soo safraya Kenya ee wata Fiisaha dal ku galka.

Go’aankan  cusub ee kasoo baxay dowlada Kenya ayaa saameyn xoogan ku yeelanaya alaabo badan oo ganacsi ahaan looga qaado Soomaaliya, kuwaa oo loo iibgeeyo gudaha Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wax badan ka Ogow Qorshaha Farmaajo ee muddo kororsiga iyo waxa ka dhalan kara !.

Cabdi Cade

Golaha Khubarada ee Q/M oo shaaciyay in lacag badan lagu bixiyay Doorashadii lagu doortay..

Cabdi Cade

Kim Jong Un walaashiis oo booqasho Taariikhi ah ku tagtay Magaalada Seoul (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---