Qaraxyo xoogan oo saaka lala beegsaday gaadiid ay wateen Ciidanka Xoogga dalka

Qaraxyo lala eegtay gaadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa ka dhacay saaka agagaarka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe kaasoo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida warku sheegayo qaraxyada oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ayaa kan hore waxaa lala eegtay gaari uu leeyahay sarkaal lagu magacaabo Cali Xuubey, kaasoo ka tegay saldhiga ay ciidamada ku leeyihiin degaanka Haansheekh kuna wajahnaa kontrol kale oo ku yaalla halka loo yaqaano Ceelka Geelow.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay halka labo kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo qaraxa kadib rasaas xoogan laga maqlay goobta qaraxu ka dhacay sida wararku sheegayaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo wata Gadiidka dagaalka ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay waxaana la soo sheegayaa in qarax kale lala eegtay ciidankaas inkastoo uusan u geysan wax khasaaro ah.

Ciidamada dowlada ayaa howlgalo xooggan ka wada goobta ay qaraxyadu ka dhaceen oo ah wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/dhexe, waxayna wararku sheegayaan iney qabqabteen dad reer miyi ah oo degaanadaas ku dhowaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -