Madaxweyne caan ah oo jeediyey hadalo gef ku ah diinta Islaamka

Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa weeraray diinta Islaamka, oo uu ku tilmaamay mid aan la jaan qaadi karin dunidan casriga ah, isagoo dhinaca kale difaacay nidaamka cilmaaniga oo ay ku dhaqmaan dalal badan oo caalamka ka mid ah.

Macron ayaa ku dhawaaqay qorshayaal uu doonayo inuu ku xakameeyo diinta Islaamka, iyadoona wadankaasi ay ku sugan yihiin muslimiin badan fara badan inkastoo uu yahay dalka ugu muslimiinta yar qaarada Yurub.

Diinta Islaamka ayuu sheegay Madaxwaynaha Faransiiska inay dhibaato xoogan ku heyso caalamka, gaar ahaan wadanka Faransiiska taasoo uu sheegay inuu xakameynayo.

“Islaamka waa diin dhibaato ay ka taagan tahay dunida oo dhan, ma ahan oo kaliya wax aan ku arkeyno France,” ayuu yiri Madaxweyne Macron.

Muslimiin badan oo ku nool dalkaas waxay cabasho ka muujiyeen in la takoorayo islamarkaana la dhibaateynayo, taasoo horseeday inay bulshada ka soocmaan.

Dadka ka hadlay warka kasoo yeeray Madaxwaynaha Faransiiska waxa ay ku sheegeen in uu qarsan waayay carada iyo nacaybka uu u hayo diinta Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -